Uncategorized

Xildibaano Muxaafid ah Oo Madaxweyne Siilaanyo ka Difaacay Eedo Uga Yimi Xubno ka Tirsan Baarlamaanka

Hargeysa:May,10,2014 (SDN/QJ)-Xubno ka Tirsan Golaha Baarlamaanka Somaliland, ayaa ka Falceliyey Dhaliilo ay xildhibaano  kale oo isla Golahooda ka tirsani u jeediyeen Khudbaddii uu dhawaan Labada Gole u jeediyey Madaxweyne Siilaanyo.

laba-MudaneKooxdan  xildhibaanada ah oo caan ku ah muxaafidnimo ayaa sharci-jebin ku eedeeyey xildhibaanada Naqdiyey khudbadda madaxweynaha, waxana ay sheegeen inay qaanuunka meel kaga dhaceen.

 

Xildhaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah xubnaha khudbadda madaxweynaha Difaacay, ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in sharciga la mariyo xildhibaannadaas naqdiyay khudbadii madaxweynuhu ka jeediyay labada gole wakiillada iyo guurtida, waxaanu yidhi, “Khudbaddii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka jeediyay golaha baarlamaanka waxay ahayd khudbad taariikhiya, waanan ku hambalyeynayaa madaxweynaha oo taabanaysay dhinaca kasta oo dalka ah, gaar ahaan jawaabtii uu siiyay madaxweynaha Soomaaliya.”

Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) waxa uu u soo jeediyay bulshada Somaliland inay eegaan horumarka ay xukuumaddu dalka ka fullisay, dhegna aanay u dhigin hadallada mucaaridka ka soo yeedhaya. “Waxa kale oo aan leeyahay bulshadu waa in ay eegtaa horumarka ee aanay u dabranaan qolo qolo iyo qoys qoys ama fikrad shakhsiyadeed, waxaan leeyahay xildhibaannadii shalay yidhi madaxweynuhu xaaladda dalka uma war hayo, waxaan u arkaa inuu dambiile qaran yahay, waajibka sharcigana la mariyo Maxamed Faarax Qabile, waxaan leeyahay wax walba siyaasad lagama dayo, oday weyn ayaad tahay ee duulduulka iska daa.” ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale ayaa isaguna ku tilmamaay khudbaddii madaxweynaha inay taabanaysay meelo badan, “Waxaan u arkayay inay ahayd khudbad kooban oo taabanaysay meelo muhiim ah, waxaana ka mid ahaa dhismeyaasha waddooyinka iyo wixii la mid ah oo uu yidhi waxna waanu dhisnay, waxna waanu dhisaynaa.”

 

Hadalkan ka soo yeedhay Kooxdan muxaafidka ah, ayaa ka dambeeyey markii ay xildhibaano mucaarid ahi dhaliilo badan dusha ka saareen khubaddii madaxweyne Silaanyo labada Gole u jeediyey, taas oo xisbiyada Mucaaridka ahina ay dhaliileen.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurebjoog.com

Contact@somalidiasporanews.com