London:May,10,2014(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf (cali-gurey), ayaa ka fal celiyey Khudbadii uu Toddobaadkii hore madaxweyne Siilaanyo u jeediyey Labada Gole ee Somaliland.
Cali gurey waxa uu si weyn u dhaliilay Hannaankii khudbadaasi u dhacaysay iyo waliba jiritaanka waxyaabihii inay qabsoomeen laga dhigay ee Khudbadda ku jirey.
Waxa uu khudbadan ku sifeeyey mid aan ka duwanayn Hadallo uu sheegay inay qurux badan yihiin oo ay Goobaha la isku arko ka sheegeen Wasiirrada ay Madaxweynaha isku Beesha Yihiin,“Khudbad-Sanadeedkii Madaxwayne Siilanyo may ahayn wax ka badan hadalo fiic fiican oo la taxay. Waxay ahayd keliya wixii aynu uga baranay xukuumadiisa gaar ahaan wasiiradiisa idman ee uu adeerka u yahay iyo faankoodii iyo tookhoodii iyo manno-sheegashadii looga bartay ee ku soo wada arooraysay, “GOBI INAGA INTA KELE GUN””. Ayuu yidhi Cali Gurey oo Hadallo qoraal ah soo dhigay Boggiisa Face-book-ga.
Cali waxa uu tilmaamay inay aad u wanaagsanaan lahayd Haddii uu madaxweynuhu Khudbaddiisa inuun kaga soo dari lahaa waxyaabaha lagu dhaliilo xukuumaddiisa, waxana uu yidhi,Way ladnaan lahayd haddii ay inta ugu yar isu dheeli tirnaan lahayd oo uu wax ka odhan lahaa dhaliilaha runta ah ee mucaaridka xukuumadiisu ay had iyo jeer ka hadlaan ee uu dhagaha ka gufaysto iyo tabashooyinka shacbiga uu madaxwaynaha u yahay iyo dhibaatooyinka faraha badan ee haysta.”
Cali waxa kale oo uu soo qaatay Hadallo ku jireyy Khudbad-sanadeedkii Madaxweyne Siilaanyo ee Sanadkii dhammaaday, waxana uu yidhi,
“Waxa xusid mudan madaxwaynuhu khudbad sanadeedkii kal hore 2013 wuxu ku xusay in marka ay muddo xileedkiisu dhamaato aanu maalin ku darsan doonin laakiin tan maanta haba yaraato eh kumuu soo qaadin doorashooyinka mudaysan 2015 ee madaxtooyada iyo wakiilada taasi na shaki geeda ayay leedahay oo waxa la is waydiin karaa odaygu ma markii ay doorashadii soo dhawaatay ee garwaaqsaday in aan markan cid dooranaysaa jirin ayuu jeclaystay bal in dhinaca muddo kordhin aan sharci ah quud dareeyo si uu kursiga uu sii fadhiyo mise wax kala jira?”ayuu yidhi Cali Gurey, waxana uu isaga oo Hadallkiisa sii wata intaas ku daray,
“Waxa ku qosol mudnayd in madaxwaynuhu aanu war ba ka haynin xidhiidhka ka dhexeeya madaxtooyadiisa iyo Madaxtooyada Xasan Sheekha Somalia. Soomaalidu waxay tidhaahdaa habeenkii intaanad seexan weelka oo dhan waa la foorariyaa hadii kale jin baa kaaga dambaynaya oo ku shaqaysta oo qulub iyo qalabta madbakha ayaa mararka qaarkood la maqlaa. Hadaba malaha marka odaygu seexdo ayaa madaxtooyadiisa jin ku shaqaystaa intaa Muqdisho iyo Hargeysa iyo labada madaxtooyo way wada hadlaan oo waa la og yahaye. Isna wuxu u haystay in hambalyadii uu u diray Xasan Sheekh markii la doortay ay ahayd xidhiidhkii tooska ahaa ee ugu dambeeyay ee labada madaxtooyo dhex maray.”
Cali waxa uu ku sheegay Khubadda Madaxweynaha mid aan wax nuxur ah wadanin, waxana uu yidhi,
“Ugu dambaystii si kasta u eeg oo dhan kasta ba ka eeg waan ka xumahay in aan idhaahdo khudbad sanadeedkii Madaxwaynuhu keliya waxay ahayd HUGUN NUXUR LA’. Waxay ina xusuusinaysay maansadii Hadraawi ee Hoombaro;
INTUU SOO HAMBAABIRAY
KUYEE HEELIYOY TOOS
IGA EEG KOR IYO HOOS
MIYAAN HOOLIF MOOYEE
WAX TURXAAN AH LEEYAHAY?
HA KA YAABIN BAY TIDHI”
SDN/QJ-Hargeysa
