Uncategorized

Weerar Xalay Lagu Qaaday Safaaradda Turkiga Ee Muqdisho

Muqdisho:May,10,2014(SDN/QJ)-Waxa xalay fiidkii hore Bambo Gacmeed Lagu Tuuray xarunta Safaaradda u ah dalka Turkiga eek u taalla magaalada Muqdisho.

xurmoMa cadda khasaaraha ay gesatay bambaanada lagu tuuray safaaradda oo aad loo ilaaliyo, waxase Qaraxeeda laga maqlay meelo badan oo magaalada ka mid ah.

Markii bambaanada lagu tuuray kaddib waxaa nawaaxiga safaaradda laga maqlay rasaas xooggan oo ay riddayeen ciidamo Goobahaas ku sugnaa iyo waliba qaar cusub oo isla xilligaas la keenay, kuwaas oo ay ka muuqatay shaki iyo argagax badani sida ay sheegayaan dadka Goob-joogayaasha ahi.

Ma jirto cid ka hadasha weerarka xalay lagu qaaday safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo ka mid ah Goobaha ugu ilaalada adag dalka.

Waxaa xusid mudan in ammaanka safaaradda aad loo ilaaliyo wixii ka dambeeyay markii la weerarray sannadkii horre oo xitaa shaqaale Turki lagu dilay dhismo ku dhow safaaradda oo la weerarray.

SDN/QJ-

timo@qurebjoog.com

Contact@somalidiasporanews.com