Muqdisho:May,10,2014(SDN/QJ)-Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geeddi oo ay siyaasadda aad iskugu hayeen Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa la sheegayaa inuu xil ka Helayo Aqalka maddaxtoyada Somalia.
Wararka laga Helayo Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu Cali maxamed Geeddi ka dhigayo La La-taliyihiisa Gaarka ah, maadaama uu hore shaqadaas uga Tegay Eng. Yariisow.
Talada looga Baahan yahay Cali Geedi ayaa lagu sheegay inay Tahay Dhinaca Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda oo uu khabiir ku yahay.
Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in Geedi iminka uu soo degay Villa Somalia, lana filayo in magacaabistiisa lagu dhawaaqo, marka xiisadda siyaasadeed ee iminka kacsan ay degto.
Cali Maxamed Geedi oo si aad ah u macaaradsanaa madaxweynaha tan iyo markii la magacabay, ayaa waxa ay labadooda isu soo dhowaadeen bishii February, markii si lama filaan ah loo arkay Geedi oo garoonka Muqdisho kusoo dhoweynaha madaxweynaha.
Lama yaqaan is-beddelka siyaasadeed ee ku yimid mowqifkii aadka u adkaa ee uu Prof. Geedi horey uga qaatay madaxweynaha Somalia.
Waxaa sidoo kale marka lasoo sawiray Prof. Geedi oo Muqdisho kusoo dhoweynaya madaxweynaha, markii uu dib ugu soo laabtay toddobadii bishan, xilli xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay dalbadeen inuu is-casilo.
SDN/QJ-
