10,May,2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha fallaagada Riek Machar ayaa saxiixay heshiis nabadeed kaddib colaad socotay muddo shan bilood ah.
Heshiiskaasi ayaa ku baaqaya xabad joojin deg deg ah iyo in la dhiso dowlad ku meel gaadh ah oo ay wadaagaan dhinacyada ku hardamaya dalkaasi.
Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Salva Kiir iyo hogaamiyaha mucaaradka ee Riek Machar.
Lama saadaalin karo sida ay uu Heshiskani uga shaqayn doono dhulka ay Colaadaha ay Dagaaladu halakeeyeen,kaas oo Dhaawac iyo Burbur weyniba ka soo gaadhay Dagaalo lagu hoobtay oo muddo shan Bilood ah ka soconayay Qeybo badan oo ka mid ah dalkaas Aduunka ugu da’da yare e Koonfurta Sudan
SDN/QJ-Adis-ababa
contact@somalidiasporanews.com
