Hargeysa:May,10,2014(SDN/QJ)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa goor dhaweyd Xabistay Guddoomiyihii Wargeyska Haatuf iyo waliba Tifaf tirihihii wargeyskaas oo dacwadi kaga socotay Maxkamadda.
Maxkamadda oo uu saaka ka furmay Kiiska Dhegaysiga Eedaysanayaashani, ayaa amartay in Xadhiga Rumaan ah oo aan Muddadiisu cayinnayn loo diro Masuuliyiintan, kadib dhegaysi kooban oo maxkamadda Horteeda ka Dhacay.
Maxkamadda ayaa diidday in damiin lagu sii daayo masuuliyiintan, waxana ay amar ku riday in xadhiga aan muddo cayiman lahayn loo diro.
Wasiirrada wasaaradaha, macdanta iyo tamarta, Arrimaha Gudaha, wiilka uu madaxweyne Siilaanyo Soddoga u yahay iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan ayaa la dhegaystay kiiskan qaybta ay ka yihiin, kuwaas oo eedo culcusul dusha ka saaray Mulkiilaha wargeyska iyo tifaftirihiisa.
SDN/QJ
timo@qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com
