Muqdisho 10.May 2014 (SDN/QJ)- Banaanbax looga soo horjeeda mashruuca aada dugsiyadda ”Go to School” ayaa maanta waxa uu ka dhacay magalada Muqdisho.
Ujeedka Banaanbaxa wuxuu ahaa mid macaliminta mashruuca aada Dugsiyada ay ku muujinaayeen Cabasho ku aadan mushaar l’aan iyo agabka ardayda ay wax ku barayaan oo gabaabsi noqday.
Macalimiinta oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxay Sheegeen in Sagaal Bilod aysan helin Mushaarkoodi waxayna Baarlamanaka ku Eedeeyeen ineysan ka hadlin Cabashadooda.
Sidoo Kale Macalimiinta ayaa Madaxda DFa ugu baaqay iney wax ka qabtaan Cabashadooda kuna dhaliilay wasaarada Waxbarashada ineysan ka warqabin Mashruuca Aada Dugsiyada oo ah mid ay asalkeedii hore kasoo shaqaysan Drs.Maryan Qaasim oo xukumadii Saacid ka tirsanayd.
Sidoo kale waxaa la arkayay arday da’doodu aad u yartahay oo sheegaya inay dowlada kaga baahanyihiin waxbarashadii ay ka balan qaaday oo ah mid tayo leh.
Madaxweynaha DFa Xasan Sheekh Maxamuud oo horaanta bishaan ay warbaahinta wax ka weydisay Qeylo-dhaanta ka soo yeereysa Macalimiinta Mashruuca Aada Dugsiyada wuxuu sheegay in dowladu ay ka jawaabayso cabashadaasi.
DF oo mudo sanad iyo dhowrbilood ka hor ah ku dhawaaqday barnaamijkaan ayaa haatan waxaa laga soo sheegayaa qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho in mashruucaan uusan u san u socon sidii loogu talagalay.
Maryan Qaasim ayaa sheegtay xiligii ay xilka wasaradda addeega bulshada warejinaysay inay ka naxsan tahay halka ay ku danbayn doonaan mustaqbalka hal malyan oo caruur ah oo loogu talo galay inay mashruucaani kaafin doono.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la jahwareersan is-casilaad uga timi in ka badan boqol xildhibaan oo diidan inuu kursiga ku fadhiyo maadama waa sida ay yiraahdeena uu ku fashilmay oofinta balanqaadkii uu sameeyay ka hor doorashada.
Muqdisho SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidisaporanews.com
