10,May,2014(SDN/QJ)- Gudoomiye Ku-Xigeenka 3-aad ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid,ayaa si kulul uga hormiyid Xadhiga Maanta ay Xukuumadda Somaliland kula kacday Masuulinyiinta Wargeyska Haatuf ee Madaxa-banaan.waxa uu Cali Guray ku sheegay in tahay arin Qabyaalad Fool xun ah oo ay dalka ku soo kordhisay Xukuumadda uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilanyo.
Waxaana uu intaas raaciyay inay ahayd in la xidho Wasiiradda Duulista iyo Macdan oo ku sheegay inay yihiin Tuug Xoolihii Umadda Xaday sida uu hadalka u dhigay.
Waxaana uu arimahaas kaga hadlay Qoraal Kooban oo soo Dhigay barta Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook.waxaana uu u dhignaa sidan: “XADHIG WAXA MUDNAA WASIIRKA DUULISTA HAWADA IYO KAN MACDANTA. LAKIIN QABYAALAD BAY KU BADBAADEEN. LABADAN NA LAGU XIDHAY. KELIYA WAXAY TANI INOO SHEEGAYSAA IN AAN SHARCIGA HORTIISA LOO SINAYN EE WASIIRADA REERKIISU AY KA SAREEYAAN SHARCIGA. SHARCIGA TUUGTA QABQABAN WAAYAY EE CIDDA TUUGTA SHEEGTA QABQABANAYAA WAA KA MADXWAYNE SILANYO EE KA DALKA MAAHA”
SDN/QJ-Canada
contact@somalidiasporanews.com
