Uncategorized

Warar Dheeraad ah Oo Ka Soo Kordhay Mooshinka Xasan Sheekh Iyo Shaki Dhaliyey In Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaruhu Kulmaan

Muqdisho:May,11,2014 (SDN/QJ)-Xiisada Siyaasadeed eek a dhex taagan Qaybaha kala duwan ee Xukuumadda Somalia ayaa cirka isku sii shareeraya, iyadoo tuhunka iyo kala shakiguna sii badanayo.

shaamiMadaxweyne Xasan sheikh oo mawjado mucaarid ahi kagas soo baxeen dhinaca Baarlamaanka, ayaa Habeenkii xalay Aqalka madaxtooyada ugu yeedhay Ra’isal wasaaraha, waxana uu halkaas kula yeeshay kulan muddo socday oo ay Albaabadu u xidhnaayeen.

Kullanka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli, ayaa lagu sheegay mid wada tashi ah, oo ku saabsanaa is-casilaadda xubno ka mid ah baarlamanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo uu madaxweynuhuna si cadho leh Ra’isal wasaaraha ugu sheegay inuu Raadiyo Sababta ay Xildhibaano u badan Beesha Ra’isal wasaaruhu Madaxweynaha u  daga galeen.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Halkaas ka sheegay inuu qabo shaki ah in xidhiidh dhawi ka dhexeeyo  Xildhibaanada Mucaaridka ah iyo Ra’isa wasaaraha, sida Xiddig iyo Xasan Abshir Faarax oo si weyn u caddaystay Dagaalka ay madaxweynaha kula jiraan.

Si kastaba ra’iisul wasaaraha waxa uu madaxweynaha u xaqiijiyey inuu dhinaciisa ka galayo dagaalka siyaasadeed ee dowladda kaga imanaya xildhibaanada, waxana uu madaxweynaha u sheegay inaan lagu tuhmi Karin la safashada koox mijo xaabinaysa xukuumadda oo ka tirsan yahay.

Inkasta oo maalmihii dhowaa uu ra’iisul wasaaraha xulufo la ahaa Jubba iyo Puntland, haddana waxaa xaqiiq ah in haddii madaxweyne Xasan Sheekh xilka ka dego, ay taas la macno tahay in isagana uu ka degayo, taasi oo qasab ka dhigeysaa inuu dagaalka dhinaciisa kagalo.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale la sheegay inuu xidlhibaanno dhowr ah oo kuwii mucaaradka ka mid ah ka dhaadhiciyey inay fikirkooda beddelaan, taasi oo dhabar jab weyn ku ah xulufada Xiddig, Xasan Abshir iyo Shariif Xasan..

Dhinaca kale, sida ku cad qodobka 92-aad ee dastuurka Somalia, madaxweynaha waxaa xil looga qaadi karaa kaliya in maxkmadda sare ee dalka dacwad laga geeyo, sidaa darteedna waxaa is-weydiin mudan sida xulufadu ay mooshin u geyn karaan baarlamanka Somalia.

Madaxweynaha ayaa Haatan ku Hawllan qaboojinta iyo Daminta Xaraarada kooxaha mucaaridka ku ah xukunkiisa, waxana ay taasi diciifisay Arrimihii ammaanka ee ay waajibka ahayd in si bug leh looga shaqeeyo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoo.com

Contact@somalidiasporanews.com