Uncategorized

Xiisaddii Musharaxnimada Kulmiye Oo Kululaatay, Samaale Oo Markale Siilaanyo u Ashkatooday iyo Muuse Biixi Oo Qorshaynaya Istaraatiijiyaddii uu Ku Dagaal Geli Lahaa

Hargeysa:May,11,2014(SDN/QJ)-Tan iyo Markii uu Guddoomiye Muuse Biixi ku dhawaaqay inuu musharax u yahay Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye, waxa soo baxayey warar kala duwan oo ka imanayey dhinaca Madaxtooyada, kuwaas oo u qaadan-waa uu ku  noqday dhawaaqa Muuse.

muuIlaa iyo Shalay waxa Madaxtooyada Mashquuliyey  Xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo ka soo horjeeda Hanka Muuse Biixi, waxana ay shirar Hoose la galeen saraakiil madaxtooyada ka tirsan oo doonaya inuu madaxweynuhu shan sano  oo kale talada dalka u taramo.

Kooxda Kulmiye ka soo jeedda ee Madaxtooyada gaaf wareegaysa, ayaa u badan Golaha dhexe iyo Waliba Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan oo caan ku ah taageerada iyo difaacadda madaxweynaha, waxana ay u tafo-xaydnaayeen sidii  ay u muujin lahaayeen inay diidan yihiin hanka uu muuse sheegtay.

Madaxtooyada ayaan iyadu yaraysanin qabanqaabada dagaalka Muuse Biixi lala gelayo, waxana ay ku hawllan tahay inay ugu horrayn dagaalka ka bilowdo sidii ay aqblabiyadda Golaha dhexe oo ah meesha tartarnka Madaxtinimadu ka dhacayo ay gacanta ku dhigto ka hor inta aan shirka Golaha dhexe la gaadhin.

Haatan waxa jira shaki ay madaxtooyadu qabto oo ah in hoggaanka ugu sarreeya Golaha dhexe ay taageerayaal u yihiin Muuse Biixi, maadaama intii xukuumaddu jirteyba ay dibad joog ku ahaayeen Arrimaha xisbiga oo aanay dheefi ka soo gelin dhinaca madaxtooyada.

Weerarka ugu horreeya ayaa la doonayaa in  laga Bilaabo Guddoomiye Jaamac Shabeel oo ah Tiirka uu Muuse Biixi cuskanayo  marka uu hankiisa midho dhalintiisa u dhaqaaqayo, waxase ay xukuumaddu doonaysaa in     si uun beddel loogu sameeyo Jaamac shabeel.

Guddoomiye Muuse ayaa isagu si dhaw ula socda Dhaqdhaqaaqyada ay xukuumaddu ku hawlan tahay, waxana uu toddobaadyadan shirar kala duwan kula jirey Ganacsatada, waxgaradka iyo Taageerayaal u badan Beesha uu ka soo jeeda, kuwaas oo si weyn ugu dhiirrigeliyey inaanu ka labalaxaadsan hankiisa oo uu si badheedh ah u galo Hawsha uu bulshada u dacal dhebay.

Muuse Biixi waxa uu sida aanu wararka ku Hayno ka ballan qaaday ciddii ay kulmeen inuu diyaar   yahay,balse aanu jeclayn Sida ay madaxtooyadu uga falcelisay dhawaaqiisa, waxana uu muujiyey inaanu ka filaynin waxa ay madaxtooyadu samanayso eek a dhashay hadalkiisii.

Dagaalka bilowga ah ee Muuse ayaa haatan waxa taladiisa ugu weyn gacanta ku haya Muj. Maxamed Kaahin iyo kooxo kale oo uu u cuskanayo sidii ay arrintiisu turxaan la’aan ugu dhammaan lahady, loona kala qoomamo la’aan lahaa, balse taasi haatan ma aha mid muuqata.

Sida muuqata muuse Biixi muddooyinkan oo dhan waxa uu ku jiraa shirar kala duwan oo uu la kala leeyahay  Hoggaanka Xisbiga iyo waliba taageerayaal cid walba iskugu jira oo hambalyeyn iyo bogaadin ula diyaar ah, balse aan wali ku niyadsamayn inuu muuse ka dhabayn doono Hankiisa,kuwaas oo shaki ka qaba inuu tanaasul dambe ku noqdo.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegayaa in Wasiirka wasaaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ooh ore u sheegay inuu tartan aan madaxweyne Siilaanyo ku jirin  uu diyaar u yahay uu cabasho ula tegay Madaxweyne Siilaanyo,isla-markaana u sheegay in laga qanciyo hadalka muuse.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inaanu xog badan ka haynin dhawaaqa muuse, balse uu ku yahay mid warbaaahinta uun uu ka maqlay, sidaas darteedna aanu wali ahayn mid bisil oo lagu go’aan qaadan karo.

Wasiir samaale ayaa madaxweynaha u sheegay in mar haddii Muuse ku dhawaaqay inuu musharax yahay uu isaguna diyaar u yahay inuu tartan galo, maadaama uu leeyahay han uu ku doonayo kursiga madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha ayaa isaga laftiisu tilmaamay in laga dhursugayo hanka muuse, maadaama markii Hoggaanka Xisbiga Kootada loogu xidhayey aan la isku ogayn inuu wax tartan madaxweynenimo ah soo galo.

Wali waxa ay madaxtooyadu ka dhur sugaysaa halka uu cago dhigto dhawaaqa muuse Biixi, waxase ay hoosta ka waddaa Dabino uu muuse biixi qudhiisa xog-ogaal u yahay oo lagu wiiqayo musharaxnimadiisa.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoo.com

Contact@somalidiasporanews.com