Washington:May,11,2014(SDN/QJ)-Haweenayda Madaxweynaha Dalka Maraykanka Michelle Obama ayaa si Murugo leh uga hadashay Gabdho arday ah oo Dalka Nigeria ay ku af duubeen kooxaha Boka Xaraam.
Haweenaydan oo Khudbaddii Toddobaadka Jeedinaysay, ayaa Tilmaantay in dawladda Maraykanka gacan ka geysan doonto sidii gabdhaha dib loogu celin lahaa qoysaskooda, iyadoo intaas raacisay in Gabdho wax baranayey dhacdadaas loo geysto.
Michel Obama ayaa ku adkaysatay inay Dawladeedda oo uu kaw ka yahay Saygeeda Obama ay gacan Buuxda ka Geysan doonaan sidii loo soo dayn lahaa gabdhahaas, iyadoo haatanba saraakiil kooban oo arrintan u guurgalaya ay maraykanku u direen Dalka masiibadani ka dhacday ee Nigeria.
Dhinaca kale Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si buuxa isugu raacay in bayaan sheegaya in gabdhihii wadar-ahaanta loogu qafaashay Nigeria ay u dhiganto dambi ka dhan ah bani-aadminimada,sida uu qabo sharciga caalamiga ah.
Golaha oo si kulul u cambaareeyey afduubkii dhowrka boqol ee arday,ayaa dhinaca kalena Qaramada midoobay waxay Nigeria u dirtay ergey gacan ka geysta soo furashada gabdhaha.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
