Uncategorized

Shirkadda Favori ee Maamusha Garoonka Muqdisho Oo Maanta Baarlamaanku Cod u Qaadi Doono

Muqdisho:May,11,2014(SDN/QJ)-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta uu Cod u qaadayaa Mooshin Xildhibaanada ay ka soo gudbiyeen Shirkada Favori ee Garoonka Diyaaradaha Maamusha.

favo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maalmahan waday Dood ku aadan Qaabka ay ku howlgasho Shirkada Favori ee Dalka Turkiga laga leeyahay islamarkaana Gacanta ku haysa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cismaan laga dayriyey adeegyada ay halkaas ka wado.

 

Max’ed Sh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in maanta Mudanayaasha Baarlamaanka ay go’aan ka gaadhayaan Shirkada Favori in ay Shaqeyso iyo in  laga Wareejiyo Garoonka.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Prof.Jawaari ayaa Baaq u diray Xildhibaanada Baarlamaanka ee Dibada iyo Dalka ku maqan ,waxaana uu sheegay in ugu danbeyn ay yimaadaan maalinta Khamista ee soo socota.

 

Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada hadii ay Amarkaasi qaadan waayaan,loo eegi doono waxa uu ka qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka  u dagsan.

Shirkadda Favori ayaa waxa adeegeeda cabasho ka muujiyey  shacabka iyo waliba xubno ka tirsan xukuumadda, waxana la tuhunsan yahay inaanay lahan wax khibrad ah oo lagu maamulo Garoon noocan oo kale ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoo.com

Contact@somalidiasporanews.com