Ceel-Waq:May,13,2014(SDN/QJ)-Wararkii ugu dambeeyay ee aannu ka helnay diyaarad militeri oo ku burburtay dalka degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, ayaa sheegaya in uu ku dhintay mid ka mid ah labada duuliye ee saarnayd diyaaradda, Isla-markaana ay khasaare u geysatay Aqal ay dushiisa ku dhacday.
Xog badan lagama hayo sidda ay u soo dhacday diyaaradda, balse dadka deeganka waxa ay lee yihiin diyaaradda ayaa markii ay soo dhaceysay waxay burburisay dhowr gurri oo ku yaalla Ceelwaaq, iyadoo warar kalena sheegayaa in diyaaradda oo Joog Hoose ku duulaysay ay keentay in lugaha la gasho Xadhkaha Koronotada ee ku xidhan Biitooyada Magaalada.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya diyaaradda oo ay la socdeyn 15 qof oo uu ku jiray duuliyaha geeriyooday.
Waxa ay lee yihiin wararka qaar diyaaradda waxa ay ku socotay Nairobi, warar kale waxa ay lee yihiin diyaadda markaas ayey soo dagaysay.
Ilaa 14 askari oo la socday diyaaradda ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen diyaaradda ku burburtay Ceel-waaq oo ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Diyaaradda waxaa laga leeyahay dalka Kenya, waxaana askarta dhaawaca la geeyay Isbitaalka Ceelwaaw oo hadda lagu daweynaayo.
Kenya ilaa hadda kama hadlin diyaaradda Militeri ee ku dhacday xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Kenya ciidamo ayaa ka jooga koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxana inta badan diyaaradaheedu ay si amar la’aan ah ugu dhex duulaan Hawada Somalia, iyagoo wixii ay tabaan ka dhex sameeya, meeshii ay rabaanna Duqeeya.
SDN/QJ-Hargeysa
Contat@Somalidiasporanews.com
