Uncategorized

Kooxda Islaamiyiinta ee Boko Xaraam oo shuruud ku xiray siideynta Gabdhihii ay afduubka ku heysteen

Abuja May 13,2014(SDN/QJ)-Kooxda Islaamiyiinta ee dalka Nigeria ee Boko Xaraam oo dhawaan boqolaal Gabdho dugsi waxbarasho ka afduubtay ayaa markii u horeysay shaaciyay shuruud ay ku sii deynayaan gabdhaha u afduuban.

Boko Xaaraam ayaa dunida ka fejiciyay kolkii ay soo shaac baxday afduubkooda iyo ujjeeda ay ka lahaayeen ooo ay ku sheegeen in ay iibgeynayaan gabdhaha.

Madaxa kooxda Boko Xaraam Abubakar oo ka soo muuqday cajalad ayaa dunida u sheegay in gabdhan ku iibin doono in ka yar $20 dollar.

Boko Xaraam ayaa haatan sheegtay in ay shuruud ku siideyn doonana Gabdhahan da’adoodu gaarin 20 jirka.

Boko Xaraam ayaa haatan laga soo xigtay in ay gabdhaha ku sii deynayaan uun hadii xabsiyada laga soo daayo dagaalyahanadooda ku jira xabsiyada Nigeria.

Dawlada Nigeria oo dunida reer galbeedka ka heshay taageero fara badan intii ka danbeysay afduubka ayaa haatan ku gacan seyrtay dalbka Boko Xaraam.

Gabdhaha ayaa qaar ka mida ayaa laga saaray dalkoodii oo la geeyay dalalka jaarka la ah Nigeria iyada oo qoysaskii dhalayna ay weeli dalbanayaan soo celintooda.

SDN/QJ-Abuja

contact@somalidiasporanews.com

contact@qurbejoog.com