Hargaysa 13.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo uu Weheliyo Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaale ayaa Maanta ka dhoofay Gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airpote ee Caasimada Hargaysa iyagoo u sii Jeeda Wadanka Ingiriiska .
Wasiirka Warfaafinta oo Qolka Nasashada ee Madaarka Cigaal kula Hadlayay Warbaahinta ayaa Ujeedada Socdaalkooda ku tilmaamay inuu La Xidhiidho sidii ay Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan Dalka Ingiriiska ay ugala Qayb qaadan lahaayeen Xuska Munaasibada Qaran ee 18 May.
Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse Waxa uu ka Jawaabayay Su’aal ku saabsanayd Socdaal ay Odayaal dhaqameed ka Yimid dalka aynu deriska nahay ee Somalia ku Yimaadeen Somaliland, iyo Hadalo ay Siyaasiyiinta Qaarkood ku dureen Imaatinkooda Somaliland ayaa Sheegay.
Hargaysa SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com
