Uncategorized

Madaxtooyada Oo Amartay In Mucaaridnimada Reer Gabiley Lagaga Jawaabo Cabsi-gelin, Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka RRU-dana Geysay Deegaankaas

Hargeysa:June,06,2014(SDN/QJ)-Waxa  Galabnimadii shalay Magaalada Hargeysa ka Baxay  Kolonyo Gaadiidka ciidanka RRU-du leedahay ah oo ay saaran yihiin Ciidan wata Saanadoodii iyo Hubkoodii, kuwaas oo Gaadhay Magaalada Gabiley.

uruSida ay wararka ku Helayso Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, waxa Ujeeddada Ciidankan lagu sheegay mid salka ku Haysa Amar ay Madaxtooyadu soo saartay oo tilmaamaya in laga Hortago Dhaqdhaqaaqyo laga Dareemay Halkaas  oo la xidhiidha Isu soo Bax balladhan oo lagu muujinayo Taageerada Muuse Biixi oo Halkaas laga Abaabulayo.

Madaxtooyada ayaa la sheegayaa inay wasaaradda Arrimaha Gudaha ku Amartay inay ciidamada Ammaanka ku dhaqaajiso dhinaca Gabiley, isla-markaana ka hortagto isku day kasta oo Reer Gabiley ku  muujin karaan taageero ay siiyaan Muuse Biixi oo Haatan laf dhuun gashay ku ah Qasriga madaxtooyada.

Waxa shalay Abbaarro shantii Galabnimo Hargeysa ka Shiraaqday ilaa iyo 17-ka mid ah Gaadiidka ay leeyihiin Ciidamada sida gaarka ah u Tababaran ee RRU-da, kuwaas oo gaadhay Gabiley, isla-markaana si weyn u gaaf-wareegay xaafadaha kala duwan ee Magaalada ilaa iyo Xalay saacadihii dambe.

Shacabka Gabiley ayaa ku war helay ciidanka xoogga leh ee magaalada soo galay, kuwaas oo wajiyadoodu aanay muuqanin, waxana ay arrintaas ka qaateen Dareen cadho leh, maadaama aanay dhibaato  amaanka waxyeeli kartaa ka jirin deegaankooda oo ay nabadooda ilaashanayaan.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay Degeen Saldhigyada Booliska ee Gabiley, waxana ay diyaar u yihiin inay kala didiyaan isku soo bax kasta oo Gabiley ka bilaabma, maadaama amarka ay qabaan yahay inaanay ogolaanin in wax taageero ah Halkaas looga Muujiyo Guddoomiye Muuse Biixi.

Magaalada Gabiley oo ka mid Meelaha inta badan cidda Kursiga Madaxtinimada doonaysaa ay ku xisaabtanto ayaa Haatan gebi ahaanba laga Nacay xukuumadda  madaxweyne Siilaanyo, waxana Taageeradii ugu dambaysay ee Halkaas ay xukuumaddu ku  Lahayd Hilifaha u laabay Erigii uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo meesha kaga saaray wasiirkii hore ee Ganacsiga Maxamed  Cabdilaahi Cumar oo isagu taageero u muujiyey Tartanka uu muuse Biixi ku doonayo inuu Kursiga Haleelo mar uun.

Shacabka Reer Gabiley ayaa muujiyey inay Taageero  Naf iyo Maal ba ah u hayaan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo Xukuumaddu geed dheer iyo Mid Gaaban Ba u fuushay sidii ay uga Takhalusi lahayd, waxase jira Dagaal hoose oo isaga qudhiisu uu xukuumaddu ku hayo si uu u kasbado Taageerayaal.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com