Uncategorized

Hoggaamiyaha Mucaaridka Kenya Oo Ku Baaqay In Ciidamadooda laga Saaro Somalia si Nabad Loo Helo

Nairobi:June,06,2014(SDN/QJ)-Hoggaamiyaha Mucaaridka Kenya Raila Odinga, ahaana Ra’isal wasaarihii hore ee Kenya ayaa ka Hadlay Joogitaanka Ciidamada Kenya ee dhinaca Somalia.

odhinOdinga oo la Hadlayey Dad badan oo soomaali  ah oo ku Nool Xaafadda Islii ayaa tilmaamay inay Haboon tahay in ciidamada Kenya laga soo saaro Waddanka Somalia, isla-markaana haatan la gaadhay wakhti haboon oo ciidankaasi halkaas ka soo baxaan.

Waxa uu Odinga tilmaamay in sii joogitaanka ciidamadaas ee dhinaca Somalia ay dhibaato u horseedday dadka reer Kenya, maadaama ammaankoodii uu halis galay.

“ Wakhti adag in Dowlada Kenya ku sii dheeraato in Ciidamadeena ay ku sii heyso Soomaaliya,laakiin waxaa isweydiin mudan in joogitaanka Ciidamadeena Soomaaliya in nabad nagu soo dabaaleyso,” ayuu yidhi Raila Odinka.

 

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku adkeysanaya in Ciidamada difaaca Kenya ka sii dagaalama Soomaaliya ilaa iyo Nabada Soomaaliya loogu soo dabaalayo,sida uu hadalka u dhigay.

 

Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2011,iyagoona magaalada Kismaayo iyo deegaano ka tirsan Jubbooyinka ka saaray ururka Al-shabaab.

Joogitaanka Ciidanka Kenya ee Somalia ayaa keenay in kooxaha shabaabku ay badhtilmaameedsadaan Gudaha dalka Kenya, iyagoo in badan laayey dad shacab ah iyo waliba tiro badan oo ka tirsan ciidamada Kenya, kuwaas oo ay qaarkood qafaasheen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com