Uncategorized

Xubnaha Xarakada Al-shabaab Oo Markale La Faray Inay Beddelaan Numberrada Telefoonadooda

Baraawe:June,06,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helay Deegaanka Baraawe oo ay Gacanta ku hayaan Kooxa Shabaabku, ayaa sheegaya in hoggaanka sare ee Xarakadu uu amray in Xubnaha Xarakadu Beddelaan Numberrada Telefoonada ay isticmaalaan.

shabaaeKooxda oo ka cabsaneysa in farriimahooda la akhristo ayaa ku amartay dagaalyahannadeeda inay qaataan nambarro cusub oo aanay  cid kale la ogayn.

Al-Shabaab ayaa markii laga qabsaday qeybo badan oo ka tirsan Soomaaliya waxay billowday inay mamnuucdo internet-ka, taleefoonnada xarragada iyo telefishinnada.

Arrinan ayaa loo macnayn karaa inay kaga taxadarayaan dabagalka baahsan ee caalamku ku hayo kooxdan, waxana ay ka dhiganayaan Farsamo ay kaga Badbaadi karaan in la helo xogaha noloshooda iyo dhaqdhaqaaqoodaba.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com