Uncategorized

Qoys Soomaali ah oo reer Minnesotta ah oo ka walaacsan in mid inamadooda ka mida ahi uu Syria ku siijeedo si uu uga dagaalamo

Minneapolis June 06, 2014(SDN/QJ)-Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in mid ka mida caruurteeda uu ku sii jeedo dalka Syria si uu uga qeyb qaato dagaalada dalkaas ka socda sadexdii sano ee u danbeystay.

Hooyada Ninkan Socdaalay oo la yiraahdo Sacdiyo Nuur ayaa sheegtay in aaney hore uga warheyn in wiilkeedii uu u socdaal Syria.

Balse ay ka warheshay ka dib kolkii uu inankeeda Cadi Maxamed Nuur uu kala soo hadlay dalka Turkiga kiyoo ooyaya.

“Maxaad ka qabaneysaa halkaa?‘ayaan weydiiyay ayay weydiisay inankeeda Sacdiyo Nur. Ka dina oohin ayuu iska qabsaday ayay tiri.

Kyle Loven, oo ah afhayeenka ciidamada FBI-da ee Minneapolis ayaa sheegay in uu jiro walaac ku wejahan in Soomaali badani ka tagtay Minneapolis oo ay u socdaaleen Syria si ay uga garab dagaalamaan xoogaga ka soo horjeeda madaxweyne Bashar Asad.

“Waxaan aaminsanahay in dadka u socdaalay Syria ay marka hore tegayaan Turkiga ka dibna ay xadka Syria ka gudbayaan”ayuu yiri Kyle.

Ninkan Syria u socdaalay ayaa la sheegay in uu gabar walaashiis aheyd uu u sheegay maalin ka hor intaamu socdaalin in uu ku biiirayo Jihaad, isla markaana aaney ka welwelin.

Soomaalida Minneapolis ayaa hore waxa u soo maray in dhalin badani ay magaaladaas uga socdaashay si ay ugu biiraan kooxda Al Shabaab oo Mareykanku hore ugu nisbeeyay argegixiso.

 

SDN/QJ-Minneapolis

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com