Uncategorized

Reer Xudur Oo Xalay ay Hurdada u Diideen Madaafiic ay Shabaabku Ku Badhtilmaameedsanayeen Xeryaha Ciidanku Deggen yahay

Xudur:June,06,2014(SDN/QJ)-Magaalada Dudur ee Xarunta Gobalka Bakool ayaa xalay waxa Madaafiic ku garaacay Xarakada AL-shabaab oo halkaas ka ag dhaw.

madeeMadaafiicda ayaa loola dan lahaa Fadhiisimo ay Halkaas ku leeyihiin ciidamada Dawladda Federalka ah iyo kuwa AMISOM ooh ore Halkaas uga Saaray ururka Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab Saldhiga Degmada Xudur ay Xalay Madaafiic ku garaaceenn,kadibna uu Xigay Dagaal toos ah oo Halkaas faraha  la iskula tegay balse warkiisu xaddidan yahay.

 

Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Dowladda Soomaaliya Max’ed Macalin oo Saxaafadda la Hadlay,ayaa sheegay in Madaafiicda  iyo Dagaalka aysan geysan wax khasaaro ah,laakiin Magaalada ay Al-shabaab soo weerareen.

 

Max’ed Macalin ayaa intaa ku daray in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay iska Caabiyeen Weerarka Al-shabaab ay ku soo qaadeen Xalay Saldhiga Degmada Xudur.

 

Waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Degmada oo ay soo sheegaan Xogaha ku aadan Weerarada Al-shabaab ay soo qaadayaan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com