Uncategorized

Dawlada Itoobiya oo Hakisay Hawlihii Shaqo ee Xafiiskeeda Hargaysa iyo Sababaha loo aanaynayo

Hargaysa 10.June 2014 (SDN/QJ)- Warar hor dhac ah oo soo baxay ayaa tibaaxaaya in dawlada Itoobiya xidhay xafiiska socdaalka ee ay ku lahayd magaalo xuduudeedka Wajaale halkaas oo sida la sheegay ay ku cadiban yihiin Dadweyne doora oo safaro xagga dhulka ah ku tegi lahaa Itoobiya.

Xogguhu may faahfaahin sababta Rasmiga ah ee Itoobiya u xidhay  xafiiska socdaalka ee ay Wajaale ku lahayd,Sidoo Kale waxay safaarada Itoobiya ku leedahay Hargeysa hakisay bixinta fiisooyinka dhawrkii maalmood ee u danbeeyay

Geesta kale xoggo dheerada oo Qurbejoog ka heshay ilo kale oo la xidhiidha xidhitaanka xafiiska socdaalka ee itoobiya Magaalada Wajaale ku leedahay ayaa sheegaya in Itoobiya ka shakidey ciidamo RRU u badan oo maalmihii u danbeeyay lagu daadguraynaayey Gobolka Gabilay iyo degaamo la xidhiidha iyadoo Itoobiya ka shakidey waxa ciidamadaasi meesha la gaaf-wareegayaan ama ka badhayaan,inkastoo xoggo kale sheegeen in ciidamadaas meesha loo geeyay si loo baajiyo socdaal la filaayey in Muuse Biixi Sabtidii Gabiley ku tago.

Dhanka kalena Qaraxii ugu dambeeyey ee dalka jabuuti ka dhacey ayaa si badheedh ah ay dowlada jabuuti u shaacisey in dadkii qaraxa ugeystey jabuuti ay ku dhawaad mudo bil ah joogeen magaalada Hargaysa ilaa hada xukuumada Siilaanyo kamay jawaabin eedeyntaas iyadoo marwalba farta lagu fiiqo xubno wasiiro ah oo argagixisda la shaqeeya .

Dhowr maalmood ka hor ayaa ciidamada sirdoonka mareykanku udigeen dowlada Ithopia inay iska ilaaliso qaraxyo la rabo in la labeegsan doono taasi oo ah sababaha u waaweyn ee u waaweyn ee keenaya in socdaalada xaga Somaliland ka imanaaya ee dhulka la hakiyo . Isku soo wada duuboo xukuumadan ayaa ah tii uhoreysey ee looga shakiyo xubno argagixiso oo ku jira golaha wasiirada Siiraanyo iyadoo ay horeyna usii daayeen xubno argagixiso uxidhnaa markii ay xilka la wareegeen 2010.

Dad badan oo arrimo Caafimaad iyo Hawlo kale u tagi lahaa Dalka Itoobiya ayaa Arrintani ay Walaac hor leh ku beertay

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com