Uncategorized

Shirweynihii Beesha Arab (Sheikh Isixaaq) oo Maanta Balli Gubadle ka Furmaya iyo Ajandihiisa oo La Isku Mari Waayay

Balli Gubadle 10.June 2014 (SDN/QJ)-Shirka Beesha Arab (Sheikh Isixaaq) Ayaa Maanta Ka Furmi Doona Magaalada Balli-Gubadle Ee Caasimada Gobalka Hawd.

Shirkan Oo Qaban Qaabadisa Laga Dareemayo Guddaha Dalka Iyo Dibbadiisaba Ayaa Ergooyinkii Shirkaasi Ka Qayb-Gali Lahaa Waxay Gaadheen Isla Goobta Shirkani Ka Qabsoomayo Oo Ah Guddaha Magaalada Balli-Gubadle .

Ergoyinka Beesha Arab Ee Dagan Ethoipia Aya Habeenkii Xalay Gaadhay Magaalada Balligubadle Ee Gobalka Howd,Dhanka Kale Wax Iyaguna  Gaadhay Magalada Balli Gubadle  Ergooyinka Beesha Arab Ee Dagan Dalka Somalia Gaar Ahaan Gobolka  Bokool Iyo Gobolada Kale Ee Dalka Somalia .

Dhinaca Kalena Magaalada Hargaysa Ayaa Waxa Saaka ka Ambo baxay Xubno Golaha Wasiirada ah,Ergooyin ka socda Beelaha kale ee Somaliland oo ay Gudida Qaban qaabadu Casuumeen .

Wararka ay Qurbejoog ka helayso Ilo u dhow dhow Shirka ayaa  Sheegaya in Ajandihiis lagu Koobi doono Horumarinta Danaha Beesha si looga badbaado ayay yidhaahdeen Khilaaf Siyaasi oo soo kala dhex gala Beesha,Iyadoo hore loo hadal hayay in Beeshu Raaci doonto Xisbiga Kulmiye ee Xukuma Somaliland balse aragtiyo Lidi ku ah ayaa ku dooday in Beeshu ay Xaq daro weyn ka tirsanayso Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo taas oo Salka ku haysa Qaabkii loo reebay Urur Siyaasadeedkii Keli ahaa ee Beeshu Xoogeeda iyo Muruqeeda isugu Gaysay ee Xaqsoor.

Sida ay Ilo Wareedyadani Qurbejoog u Xaqiijiyeen Dadka Aragtidan Qaba ayaa Doodooda Gun dhig uga Dhigay Doorkii ay Beeshu ku lahayd Markii Madaxweyne Siilaanyo u tartamayay Kursiga Hogaaminta Qaranka isla markaana ay Hungo ka Joogaan Tacabkii Beesha taasina aanay Istaahilin in Mar kale ay Taageero u fidiyaan.

Waa Shirkii 1aad ee Mudadii Somaliland ay dib ula soo noqotay Xornimadeeda ay Qabsadaan Beesha Arab (Sheikh Isixaaq).

Balli Gubadle SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com