Hargaysa 22.Sep 2014 (SDN/QJ)- Ciidamada Booliska ee Rugta Madaarka Hargaysa ayaa Gacanta ku dhigay Sadex Harimo Cad Kuwaas oo dad Shakhsiyaad ahi ay ka ganacsadaan iyadoo lagu soo dhex qariyay Sadexdan Harimo Cad Kartoon dusha ka dahaadhan iyo Nin la sheegay inuu Sitay.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa sheegtay in Ciidanka Booliska ee Rugta Madaarku ay la soo hadleen lana Socodsiiyeen qabashada Sadexdan Harima cad iyo Nin la sheegay in lagu soo qabtay .
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
