
Baladwayne 19/oc/2014(SDN/QJ)Bannaanbixii ugu weynaa ee dhawaanahan ka dhaca magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta ka dhacay degmadaas, dibadbaxan oo looga soo horjeedo ciidamada Jabuuti eek a socda dalka Hiiraan.
Shacabka degmada Baladweyne ee dibadbaxa ka qaybgalaya ayaa waxay ku eedeeyeen ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM inay mas’uul ka yihiin dagaallada Deefoow oo dhow jeer soo laalaabtay, waxayna bannaanbaxayaashu sheegeen ay sidoo kale ciidamada Jabuuti weerareen deegaanka Ceel-gaal ayna dhaawacyo ka geysteen.
Ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan waa inay ka baxaan, waayo weerar ayay ku qaadeen saaka deegaanka Ceel-gaal, waxayna laba qof dhaawac ugu geysteen deegaankaas. Sidoo kale laba gabdhood oo dibadbaxayaasha ka mid ah ayay ku dhaawaceen deegaanka Janta-kuun-dishe oo saldhig ay ku leeyihiin, marka dhibaato ayay gobolka ka wadaan ee sidaa awgeed waa inay ka baxaan ciidamada Jabuuti gobolka Hiiraan,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo warbaahinta la hadlay.
Maamulka gobolka Hiiraan iyo taliska ciidamada AMISOM ee ay Jabuuti ka tirsan yihiin weli kama hadlin arrintan, iyadoo dibadbaxyadan ay sababeen in magaalada oo dhan ay kala xiranto, sidoo kalena ay istaagaan ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Baladwayne SDN/QJ
Concat@Somalidasporanews.com
