Hargaysa 20.Oct 2014 (SDN/QJ)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada oo Ku Jira Fasaxoodii Caadiga ahaa ayaa loogu baaqay inay ka soo qayb galaan Fadhi aan Caadi ahayn oo u furmi doona Sabtida Soo Socota Kaas oo lagaga hadli doono laba qodob oo Muhiimad balaadhan u leh dalka.
Sida lagu Cadeeyay Qoraal Yeedhmo ah oo uu Soo Saaray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro Waxaa labadaas Cisho uu Goluhu fulin doonaa Ansixinta Xubnaha Komiishanka Cusub ee Doorashooyinka Qaranka ee Dhawaan loo Gudbiyay Golaha Wakiilada iyo In Mudanayaashu ay Dhagaystaan Warbixinta Miisaaniyada qaranka ee 2015 .

Dhinaca Kale Gudoomiye C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa ka hor intii aanu Shalay ka dhoofin Madaarka Cigaal Waxa uu Warbaahinta u Sheegay in Golaha uu Maamulo Weli la soo gaadhsiin Qoraaladii lagu ansixin lahaa Xubno ka Mid ah Komiishanka Doorashooyinka,Hasa yeeshee Warar ay Qurbejoog ka Heshay Ilo ku dhow dhow Shirgudoonka Golaha Wakiilada ayaa Sheegaya in la ansixin doono Xubnaha Shuruudihii looga baahnaa Buuxiyay Kuwaas oo kala ah Labada Xubnood ee Golaha Guurtidu soo Xulay iyo Labada Xubnood ee ka socda Labada Xisbi Mucaarid halka dib loo dhigi doono Sadexda Xubnood ee Madaxweynuhu Soo Xulay
DAAWO Hadalkii Gudoomiye Cirro ee Shalay
Hargaysa SDN/QJ
