Uncategorized

War Deg Dega :Xukuumada Somaliland Ayaa Xoriyadoodii U Soo Celisay Wariyayashi Ku Xidh Xidhnaa Magalada Gabilay

BREEKIN

Hargeisa 12/11/2014(SDN/QJ)Warar Hada Naga Soo Gaadhay Magaalada Gabilay Ayaa Waxaa Ay Sheegayaan In Dib Xoriyadoodii Loogu Soo Celiyey Laba Wariye Ee Magalaadaas Lagu Xidhay Laba Todobaad Ka Hor

Wariyayaashan Ayaa Kala Ahaa Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim Oo Ka Hawl Gali Jiray Tvga HCTV iyo Maxamed Sheekh Xasan Jubba oo u shaqaynayey Telefiishanka Somsat TV

Wariyayaashan AyeyHore Ay Xukuumada Talada HaysaaXabsiga U Taxaabtay Ka Dib Markii Ay Soo Gudbiyeen Warar Ku Saabsan Dad GubayaCalanka Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye .

Xadhiga Wariyaashan Maanta La Sii Dayey Ayey Waxay qeyb Ka Yahiin Cabudhinta Iyo Cago Jug Leynta Xukuumada Talada Haysaa Ay Ku Hayso Saxaafada Madax Banaan iyadoo  intii ay  xishnaye  wariyashani  ay  xisbiyada mucaaridka  odayaasha iyo waliba  hayadaha  u doona xuquuqda saxafada  iyo  ta bani aadamka iyadoo culays  badani  xukuumada ka soo gaadhay  xadhiga wariyashasi

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com