Hargaysa 06.Dec 2014 (SDN/QJ)- Xubin ka tirsan guddigii hore ee doorashooyinka qaranka ayaa soo Bandhigay Dhacdooyin Maamul Xumo oo ay Samaysay Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo .
Guddoomiye xigeenkii guddiga doorashada ee hore Md. Cali-Khadar Xasan Cismaan oo ku Biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Sheegay in Dariiqii Aqoonsi raadinta Somaliland uu soo Oodmay kadib markii ay Beesha dhexe isku koobtay Manaasiibta Jaangoynta Siyaasada Somaliland Waxaanu soo bandhigay Khaladaadka Maamul ee dul hoganaya Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
