Uncategorized

Mid ka Mid ah Salaadiinta Gobolka Awdal oo Sheegay in Shacabka Gobolka ay Ka Baxeen Gooni isu taaga Somaliland DAAWO

Boorama 05.Dec 2014 (SDN/QJ)- Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo ka mid ah Salaadiinta cusub ee gobolka Awdal, oo sida la sheegay muddooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay falal lidi ku ah qaranimadda Somaliland, ayaa markii u horaysay muuqaal Fiidyow ah oo uu iska soo duubay ku sheegay in shacbiga gobolka Awdal ka baxeen Somaliland oo ay sida uu ku dooday dulmi ku qabeen.

Suldaan Wabar waxa uu sidaasi ku sheegay muuqaal fiidyow ah oo uu iska soo duubay isagoo Aan sheegin meel uu ku sugan yahay, waxaanu sheegay inay reer Awdal aanay ka sii mid ahaan doonin Somaliland.

Wararka ka imanaya Boorame ayaa sheegaya in Suldaankan iyo maayarkii hore ee Boorame Cabdiraxmaan Shide Bille ee toddobaadkan la xidhay ay isku xidhnaayeen oo ay isku fikir ka ahaayeen qaran dumisnimada ka dhanka ah Somaliland.
https://www.youtube.com/watch?v=jA10JtCLyJQ