Uncategorized

Gudoomiye Muuse Biixi oo aragtidiisa ka dhiibtay Xubno Wasiiro ah oo Hankooda soo bandhigay+ Dabeecada Kulmiye ee Saxaafada DAAWO

Hargaysa 11.Dec 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay ka hadlay sida uu u arko kulan qado sharaf ahaa oo ay dhawaan wasiirada arrimaha dibadda iyo maaliyadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale Hargeysa, ku qabsadeen kaas oo ay ku cadeeyeen inay kalkan taageerayaan Madaxweyne Siilaanyo balse marka uu baneeyo ay yihiin murashixiin ka dhex tartami doona xisbiga KULMIYE. Muuse Biixi Cabdi, oo dhawaan u waramay weriye Faysal Fadh-fadhle oo ka tirsan telefishanka Universal, ayaa isagoo ka jawaabaya sida uu u arkayay kulankaas.

Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biiixi Cabdi,waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay su’aal laga waydiiyey in dad badan oo taageero u ahayd ka hor intii aanu ka tanaasulin hankiisa musharaxnimo ay ka cadhoodeen,ayaa waxaa u sheegay in waxa kaliya ee uu sameeyey ay ahayd in uu la tartamay madaxweyne Siilaanyo,madaxweynahuna uu markii danbe ka guulaystay, xisbigii KULMIYE-na aanu burburin oo uu wali yahay xisbi xaakimka talada dalka haya,isaga oo farta ku fiiqay in qofka marka hore taagerada u ahaa ee hadana ka xanaaqay aanu marka horeba u ahayn taageero dhaba, balse uu doonayey in xisbiga KULMIYE uu kala tago oo uu burburo.