Berbera 23.Dec 2014 (SDN/QJ)- Golaha deegaanka Magaalada Berbera ayaa bogaadiyay Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool Magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, gaar ahaan cidii ka hawlgashay sidii loo mataaneyn lahaa Magaalooyinka Berbera iyo Bristol ee cariga Ingiriiska.
Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo ay wejigiisa ka muuqatay farxad aad u baddan ayaa bogaadiyay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Bristol ee Cariga Ingiriiska, gaar ahaan kuwii ka shaqeeyey sidii loo mataanayn lahaa magaalooyinka Berbera iyo Bristol
