Uncategorized

Maraykanka Oo Ka Hadlay Weerarro Diyaaradahoodu Ku Qaadeen Gudaha Somalia Iyo Magaca Cidda Lagu Badhtilmaameedsaday

Washington:Feb,04,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Marayanka, ayaa ka hadashay Weerar diyaarado loo adeegsaday oo dhawaan diyaaradahoodu ka fuliyeen Goobo ku yaalla Gudaha somaia.

rifoWasaaradda dicaaca Maraykanka  oo faahfaahisay Weerarka diyaaradahoodu  ka fuliyeen Somalia, ayaa sheegtay inay badhtilmaameedsadeen Sarkaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab goob dhinaca Koonfureed ka xigta caasimadda  Muqdisho, balse lama sheegin natiijada ka dhalatay weerarkaas iyo  inuu guulaystay.

Afhayeenka wasaaradda Difaaca, John Kirby ayaa sheegay in weerarka lala eegtay Yuusuf Deeq oo ah madaxa howlgallada dibedda iyo qorsheynta sirdoonka iyo amniga ee ururka al-Shabaab

Kirby wuxuu sheegay inaanu wali xaqiijin karin if weerarkaasi uu wax ku noqday Yusuf iyo in kale, balse wuxuu sheegay haddii weerarkaasi uu ahaa mid lagu guuleystay ay taasi dhabarjab weyn ku noqon doonto shabakadda argagixisada ee al-Shabab.

Bishii December, wasaaradda difaaca ee Pentagon-ku waxay xaqiijisay in Maraykanku uu weerar ku dilay Tahliil Cabdishakuur oo ahaa madaxii sirdoonka al-Shabaab. Sidoo kale 1-dii bishii September Maraykanku waxay weerar ku dileen hoggaamiyihii ururka al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com