Raghah:Feb,04,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Daacish, ayaa Barta Internet-ka Soo Geliyey Muuqaal ay ku Muujiyeen Duuliyihii Reer Jordan Oo ay Nolosha ku Gubeen.
Muuqaalkan oo ka duwanaa kuwii hore ee Kooxdu soo bandhigi jirtey, ayaa la arkay Duuliyaha oo qafas ku jira, isla-markaana ay hareero joogaan Dagaalyahanno kooxda ka tirsan oo si weyn u hubaysani.
Duuliye Mucaad oo la qabtay bishii December, xilli diyaaradii uu duuliyaha ka ahaa la soo riday, isagoo u socday howl gal uu kala qeyb qaadanayay isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee dagaalka ka dhan ah kula jira Kooxda IS ayaa ay dhamaatay wakhti loo qabtay in lagu sii daayaa.
Telefishinka Jordan ayaa xaqiijiyay dhimashada Mucaad, balse waxaa uu sheegay in bil ka hor la dilay duuliyaha.
Muuqaalka filmkan ayaa la soo dhigay Salaasadii shalay ahady Bar Twitter ah oo aad loogu kalsoonaan karo, isla markaana inta badan baahisa dacaayadaha ISIS.
Mucaad ayaa ka soo muuqday isagoo dhex socda dhismo ku bur buray weerarada cirka ee fuliyeen xulafada Mareykanka uu hogaamiyo.
Dad qaraabo la ah duuliyaha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada qalabka sida ee Jordan ay ku wargeliyeen eheladiisa in la dilay Mucaad.
Shacabka Jordan ayaa doonayay in Mucaad oo bedqaba ay dowladdu soo deyso, iyadoo sameyneysa wax walba oo karaankeedana ku bixiso, inkastoo aanu dadaalkaas midha dhal noqon.
Jordan ayaa dadaal ugu jirtay sidii duuliyahan u bad baadin laheyd, waxaana socday qorshe la doonayay in la is dhaafsado Mucaad iyo Haweeneyda lagu magacaabo Saida Al-Rishawi oo ku xidhan Jordan, taasoo qeyb ka aheyd weeraradii bambaano ee sanadkii 2005 lagu qaaday Hotel ku yaala caasimada Cammaan.
SDN/QJ
