Uncategorized

Warshadii Leydhka Ee Casimada JSL Hargeisa Ma Calfan Doonaan Daneystayaasha Laga Iibiyey.?

Are we entitled to answers? let us not shy away from pointing out the problems.

Waxa jira shaqaale dhan 400 Ilaa 500 oo ka shaqaynayey Warshadaa Leydhka ee Hargeisa oo badhkood mudo ka badan 49 Ilaa 50 sano ay ka ahaayeen shaqaale ,dadkaas oo manta la yidhi iska dareera dad ayaa yeeshaye ma wax la yeelaa mase tahay ibna-aadannimo? Shaqaalahaas ayaa markii ay ficilkaa waraabanimada ah mar ay ka gilgisheen ayaa lays yidhi ku qaniya caqliyadan fadhiidka ah.

1- Waxa laydin siinayaa xaqiinii oo ah sidan Ruuxa shaqaynayey 1/year waxa la siinayaa hal bil mushaharkuu ku shaqaynayey iyo xagal iid bisha iida, ruuxii shaqaynayey 12/sano waxa uu leeyey 1/sano mushaharkii. Ma jirto Dawlad ummadaas xuquuqdooda danayneysa oo inuun xeerinaysa Ibna-aadannimo iyo Alleh ka cabsi,cida ka aamustaa iyana waa la mid.

Maxaa Warshadii aan shaqayneyn ee Sibidhka (Cement-ka) u diidey ee tan ummada dhami ka shaqayneysey dan yartu ku nooleyd loo siiyey?.

Waxa ka socda dalkii maaha wax loo dulqaadan karo waana wixiishnimo in hantidii qaranka maalinba mid laga xaraasho dhiig miirato.Dhiig-Shiil iyo Ina Aw Siciid waxa ay ku socdaan waa dhaqan aad u fool xun, waxaan se u sheegayaa in hantida ummada aanay calfan doonin khasaare weyna ay kala kulmi doonaan.

Amiin Dahir Caynaanshe