Hargeysa:Feb,05,2015(SDN/QJ)-Xaaji Cabdikariin Xuseen (cabdi-waraabe), ayaa ka Hadlay Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taas oo muddo xileedkeedu gebogebo tahay, isla-markaana aan diyaarin jawi lagu geli karo doorashada Kaabiga inagu soo haysa.
Xaaji Cabdi-waraabe oo saxaafadda la hadlayey, ayaa sheegay inaan wax dalab ah oo xukuumaddu ku doonayso Muddo kodhin ama Xubnaha Guddida Doorashooyinku ku codsanayaan wixii la yeeli lahaa aanay jirin,
“komishankana waxba noogama iman, xukuumaddana wax ay noola yimaadeen oo aanu ka hadalnaa ma jirto, markaa doorashadii uun baynu sugaynaa oo waxyari ka hadheen.” Ayuu yidhi Xaaji Cabdiwaraabe.
Xaaji Cabdiwaraabe waxa uu sidoo kale ka Hadlay Markabkii Hubka siday ee dhawaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kasii daysay Dekedda Magaalada Berbera, waxana uu tilmaamay inuu si buuxda u taageersan yahay tallaabadaas, isla-markaana uu kalsooni ku qabo go’aanka xukuumaddu qaadatay.
Waxa uu farriin u diray Suldaanka Buuraha galay ee Sudlaan Wabar, waxana uu uga digay inuu da’yarta u horseedo dhibaato mustaqbalkooda saamayn ku yeelata oo aanu hadhow daawo u heli Karin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
