|

Halkan ka dhegeyso Wareysi Taxane ah oo aan la yeelanay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Somaliland Md Cali Sanyare (DHEGEYSO QEYBAHA 1, 2, 3,4,5,6)

Geneva March 13,2015(SDN/QJ/ Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali Sanyare) oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin  ayaa, isagoo joga  magaalada Jineefa (dalka Swiserlaan), aannu la yeelanay  wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanya. Waa wareysi taxana ah oo socon doona dhawr todobaad todobaad.Kala soco qurbejoog.com wareysigan taxana  ah ayaad qeybtiisa kowaad aad maqli doontaan manta oo jimcaha ah ee bishuna tahay Janwari  30ka, 2015ka ila 6da Maars, 20015.

Wuxuu Qeybtii KOWAAD ee WAREYSIGA uu Wasiir Cali-Sanyare noogu sheegay in aannu xisbina ku biirin intii xisbigiisii UDUB saaxada ka baxay. Hase ahaatee,uu  isagu weli  ku jiro saaxada  siyaaasadda. Wuxuu bulshada u iftiimyey ra’yigiisa ku wajahan doorashada la filayo inay ka qabsoonto somaliland bilaha soo socda . Wuxuu caddeeyey in qabanqaabada iyo qabashada doorashadu dusha ka saarantahay xukuumadda joogta. Wuxuu, si qotadheer ,ugu hadlay gaabiska ka jira qabanqaabada doorashada iyo saameynta ku yeelan karto geedi socodkii diimoqraadiyadeed ee dalka

HALKAN GUJJI SI AAD MOBILKA UGU DHEGEYSATO WAREYSIGA CALI SANYARE QEYBTIISA 1AAD

Qeybtii LABAAD ee WAREYSIGA oo soo baxay maalintii JIMCAHA ee bisha Feberwari ahayd 6 da. 20015ka, wuxuu Wasiir Cali-Sanyare is-barbar dhigay isbedel doonkii KULMIYE xukunka kaga tuuray UDUB  sanadkii 20010ka iyo guuxa u eeg bilowgii kacdoon bulsho ee hadda ka jira Somaliland oo saadaalinaya isbedel kale oo KULMIYE  ka saari kara xukunka markii doorashadu dhabowdo. Wuxuu ku qotomiyey saadaalinta labaatan qodob oo hadda bulshadu,si weyn, uga biyo-diidantahay.

HALKAN GUJJI SI AAD MOBILKA UGU DHEGEYSATO QEYBTA2AAD EE WARESIGA CALI SANYARE

 

QAYBTA SADDEXAAD: (13ka febarwari) Waxay qaybtani ka faaloon doonta xiisadaha colaadeed iyo siyaasadeed ee ka jira gobolada darafyada somaliland. Wuxuu Wasiir  Cali- Sanyare u soo jeediin doona talooyin wax ku ool ah dhinacyada ay khuseyso. Kuwaas oo uu ku jiro Suldan Abiibakar Weber.

HALKAN KA DHEGEYSO QEYBTII SADEXAAD EE WAREYSIGII TAXANAHA AHAA EE CALI SANYARE

QEYBTAN  AFARAAD Wuxuu Wasiir Cali is-dultaagi doona gaabiska ka taagan higsigii ahaa in nidaam maaliyadeed oo hufan loo sameeyo somaliland,.

pointHALKAN GUJJI SI AAD U DHEGEYSATO WAREYSIGA CALI SANYARE

QAYBTA SHANAAD ee taxanaha waxa uu wasiir Cali Sanyre uga hadlayaa  Bixinta hantida kala duwan ee Qaranka.

HALKAN KA DHEGEYSO QEYBTII SHANAAD EE TAXANAHA WAREYSIGA CALI SANYARE

Wuxuu Wasiir Cali ka hadli doona TACABIRKA ama TAHRIIBTA iyo sidii horeba looga  marowaayey xakameenteeda,

pointHALKAN HOOSE GUJI SI AAD U DHEGEYSATO QEYBTII 6AAD EE WAREYSIGA CALI SANYARE

Ugu dambeyntii, wuxuu Wasiir Cali u soo jeediin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliland, labada xisbi qaran ee  mucaaridka ah iyo bulshada somaliland talooyin iyo tusaalooyin qiimo leh.

Baahinta qeybaha kala duwan ee wareysiga wuxuu socon doona lix todobaad marka
Laga bilaabo  MAANTA OO  JIMCE AH OO BISHUNA TAHAY JANAWARI  30, 20015. TAXANUHU WUXUU SOO BIXI DOONA  TODOBAAD WALBA MAALINTA JIMCAHA EE  TAARIIKHDUNA KALA TAHAY.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed