

Hargeisa 19/3/2015(SDN/QJ)Xoghayaha Guddida Dhismaha Waddda Cad Faysal Cayuun Oo Uu Weheliyo Eng Maxamuud Muuse Gooni Oo Ka Mid Ah Engineerada Ku Hawlan Dhismaha Waddada Cad ayaa maanta kormeer ku tagay Deegaanka qoolcaday oo ay halkaasi ka socoto diyaar garo loogu jiro hirgalinta 5 Tii kilo mitir ee dawladuu bixisay iyo 3 kiilo mitir oo dadwaynuhuhu bixiyeen .
Waxaana ugu horeen madashaasi ka hadlay Xoghayaha Guddida Dhismaha waddada Cad Faysal Cayuun waxaanu tilmaamay halka ay marayso Hawlaha shaqo ee dhismaha waddadu waxaanu yidhi “ Halkani waa qoolcaday halkan aynu joogno waxaa yaalla Kun Iyo Boqol Foosto oo Daamur Ah ee loogu talo galay 5 Tii kilo mitir ee dawladda iyo saddex kilo mitir oo dadwaynaha ah carra tuulkiina badankiisi wuu yaalla inta yare hadhay ee xaal xaalka ahna dhawaan ayaanu bilaabi doonaaa waxaan rajjeenaynaa sida ugu dhakhsaha badan in 8 Kiilo Mitir (Sideed Kiilo Mitir ) u hirgalaan haddu rabbi idmo iyadoo ay jirto abaar fara badan iyo biyo yaraan ay jirto haddana waxaanu rajjeenaynaa ugu yaraan in aanu shanta kilo mitir ee dawladda oo qoolcaday soo gaadhaysaa in aanu dhamees tirno ..”
Waxaa isna Halkaasi ka halday Eng Maxamuud Muuse Gooni waxaanu daboolka ka qaaday qorshahooda sannadkan waxaanu sheegay in sannadkan daba yaaqadiisa ay gaadhi doonaan ina guuxa waxaana hadalkiisi ka mid ahaa “ Sida faysal sheegay waddadii laba week ka dib ayaanu dib u bilaabaynaa ilaa 8 Kiilo Mitir waanu gadhaynaa , wixii ka danbeeyaa waxaa la galayaa uun 27 kiilo Mitir ee hadhay ee ilaa ina guuxaa , waxaana qorshahayagu yahay istaag istaagga badan in aanu ka baxnoo oo mar kaliya isku keeno dhaqaalihi lagu sameen lahaa ama ay noogu suuragali lahayd in aanaan mar kaliyaa istaagin si ay noogu suurto gasho in sannadkan daba yaaqadiisa haddi rabbi idmo aanu gaadhno ina guuxaa , Markaa xaaladdu way adagtahay cimilada waa arkaysaan mararka qaar biyo la’aan way jirtaa laakiin waanu ku calool sannahay in aanu wakhtigaa gaadhi doono waxaanu u baahannahay uun in qoladiina dibaddu taageeradiini in ayduun nagula soo degdegtaan sidaa aanu u dadaalayno noola soo dadaashaan si aanu u suuragalinno ama ay noogu suurto gasho in aanu sannadka dabayaqadiisa aanu gaadhno ina guuxaa .
Kormeerkan ayaa ibo fur u ahaa hir galinta 8 Kiilo Mitir oo gaadhayaa ilaa Banka waxaana halkaasi ay waddadu uga gashay bankii .
Hargeisa SDN/QJ
Concat@Somalidiasporanews.com
