Hargeysa, 24 April 2015 (SDN/QJ)-Iyadoo komishanka doorashooyinku ku dhawaaqay maalinta ay dhacayso doorashada madaxtooyadu, isla markaana ay xisbiyada siyaasadu soo dhaweeyeen, ayaa haddana waxa isa soo taraya warar sheegaya in madaxtooyadu si wayn u qawaday talaabadaa ay komishanku ku cayimeen maalinta doorashada oo ay u muddeeyeen 01.june.2016.
Siday tibaaxeen xogo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo u dhuun dalloola madaxtooyadda iyo guddiga doorashooyinka, muddayntaa ay sameeyeen komishanku waxay kala kulmeen canaan wayn oo la sheegay inay kaga timi dhinaca madaxtooyada. Xoguhu waxay intaa ku dareen, in komishanku markii ay geeyeen qoraalka go,aankooda ay madaxtooyadu u muujisay dareen diidmo ah oo tusmadiisu iftiiminaysay, in aanay ku farxin qorshaha cusub, haddalo adag oo afka ahina kaga soo noqdeen, isla markaana lagu tirtirsiyay in ay khalad sameeyeen, hawl aanay lahayna faraha la galeen. Xoguhu waxay intaa raaciyeen, in la filayo in taasi sabab u tahay aamuska madaxtooyada ee la xidhiidha qorshaha doorashada ee komishanku iclaamiyay.
Illahaasi waxay tibaaxeen, in haatan ay madaxtooyadu wado qorshe ay ku raadinayso muddo kordhin aan lagu salayn qorshaha komishanka ee sanadka ah, isla markaana suurta gelinta mashruucaa ee dhinaca guurtidu uu socdo. Sidoo kale waxay xogahaasi tibaaxeen, in aanuu meesha ka madhnayn qorshe kale oo dhinaca wakiiladda ku wajahan, kaasoo ujeeddadiisu la xidhiidho sidii dabarka loogu sii hayn lahaa xeerarka qabyada ah ee doorashada iyo kuwa wax laga bedelayo oo komishanku dalbaday in golaha wakiiladdu degdeg u dhameeyaan, si doorashadu u dhacdo muddada cusub ee ay u cayimeen.
Wixii ka horeeyay jadwalka komishanku soo saaray, halhayska madaxtooyaddu wuxuu ahaa, komishanka doorashooyinkaa hawshaa leh, wixii ay soo dhigaana waa fulinaynaa. Sidoo kale guurtida lafteeda ayaa dooddaas oo kale iskaga leexin jirtay, marka wax laga waydiiyo muddo kordhinta. “ komishanku iyagaa hawsha doorashada leh, muddaday ku qaban karaana waxay u gudbiyaan madaxweynaha, guurtidana madaxweynahaa u soo gudbiya markuu dalabka komishanka helo, markaa dariiq sharci oo sidaas ah baa loo maraa”, weedhahaasi waxay ka mid ahaayeen jawaab uu gudoomiye xigeenka guurtidu ka bixiyay su,aal laga waydiiyay muddo kordhinta, bishii hore mar ay guurtidu la kulantay wefti ka socday qaadhaan bixiyayaasha taageera Somaliland, kuwaasoo guurtida ku dardaaray in aanay samayn muddo kordhin siyaasiya oo aan ku salaysnayn baahida waqtiga komishanku jadwalkiisa ku muujiyo.
Dhinaca kale komishanka doorashooyinka ayaa loo tirinayaa in tawfiiqda dhexdoodu midnimo ahaan liidato, isla markaana ay xubnaha qaarkood aad ugu kelyo nugul yihiin dhinaca madaxtooyada, isla markaana dhexdhexaadnimada iyo hogaaminta gudoomiye Iimaan ayaa la tuhunsanyay inay sababtay dhaliilaha la xidhiidha hawshooda, oo ay illo u dhuun dalloola komishanku tibaaxeen inay badan yihiin. Loollanka xubno hunguraynaya jagadiisa ayaa iyana soo duushay inuu ka jiro komishanka dhexdiisa.
Xogahaa ka sokow ma jiraan warar si toos ah loo soo saaray oo la xidhiidha arrimahaasi.
Xigasho Wargayska Ogaal.
