Hargeysa, 14 May, 2015 (SDN/QJ)- Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegayaa inay Gebi ahaanba Joojisay Xafladii Habeen-nimada 18 May lagu Qaban Jiray Qasriga Madaxtooyada.
Tibaaxo Kooban oo Shabakada Qurbejoog.com ay u Xaqiijiyeen Saraakiil ka Tirsan Laamaha amaanka ayaa Sheegaya in Gudida Heerka qaran ee qaban qaabada Xuska 24 Guurada ka soo Wareegtay Markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay Madaxbanaanideeda kala soo noqotay Somalia ee 18 May ay Kulamo is xig xiga oo ay Magaalada hargaysa ku yeesheen ay isla qaateen inaan Xarunta Madaxtooyada lagu qaban Munaasibadii habeen-nimada ka dhici jirtay Taas oo ay Fannaaniinta qarankuna ku soo bandhigi jireen Riwaayad ka Turjumaysa Siyaabihii ay ku timid dib u soo celinta madax bannaanida Somaliland.
Arrintan ayaa Saraakiishan oo ka Gaabsaday in Magacyadooda la shaaciyo ku sifeeyeen Cabsi dhinaca amaanka ah oo soo gaadhay laamaha sirdoonka iyadoo la rumaysan yahay ayay yidhaahdeen in Xubno ka tirsan argagixisada alshabaab ay ku sugan yihiin Magaalada hargaysa kuwaas oo daba gal lagu hayo.
Dhinaca kale Waxaa Jira Xogo Muujinaya in dawladu ay dareensan tahay Mucaaridada ka jirta gudaha ee ka dhalatay Mudo kordhinta aan heshiiska lagu ahayn ay sababi karto in Madaxtooyadu go’aansato Joojinta Xuska habeen-nimada Hasa Yeeshee Xuska Maalinimo ayaa Sidiisii ahaan doona inkastoo amaanka aad loo adkaynayo.
Geesta kale Fannaaniinta Qaranka oo Maalmihii ina soo dhaafay ku hawlanaa Riwaayada ay ku talo jireen inay soo bandhigaan ayaa loo Weeciyay inay Si Live ah amase Toos ah loogu soo daayo Telefishanka qaranka Iyo Idaacada Radio Hargaysa.
Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa noqonaysa Markii 1aad ee Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka maagto qabashada xuska habeen-nimada ee 18 May.
Hargaysa SDN/QJ
