Uncategorized

Jaaliyadda Reer Somaliland ee Waddanka Turkia Oo Si Weyn U Xustay Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland Ee 18-ka May DAAWO sawirada

Turkia 19May15(SDN/QJ)Jaaliyada  Somaliland Iyo   ardayda reer Somaliland ee  wax ka barata  dalkaaasi ayaa  waxay soo agasimeen xaflad aad u qurux badan oo ku bilaabmatay jawi heer sare oo farxadeeed ,  hall ka  munaasibada ka dhacaysay oo  si heer sare ah loo qurxiyey ayaa ka mid ahaa waxyaabaha indhahu qabatinka leh  ee xaflaadaasi  nuuriyeye

Xogahaye ku xigeenka warfaafinta xisbiga  cadaalada iyo daryeelka UCID Marwo  Farduus cige xasan   ayaa iyaduna munasibaadasi  kale qayb qaadatay  da,yarta reer Somaliland eek u nool turkiga

3tur

Marwo Farduus ma aha markii ugu horeysay ee munasibadan oo kale ay ka qayb gasho  horena  wax aka qayb qaadatay  munasibado noocani oo kale ah oo dalka turkiga lagu qabtay  sidoo kale  mudadiii ay  turkiga ku sugnayd  waxay  ay xog waraysi iyo indho indhayn ku samaysay  xalaada  dadka reer Somaliland eek u nool dalkaasi ,  iyadoo  kal hore ku guulaysatay  in  munaasibad dhaqaale uruurin ah ay u abaabusho  mid ka mid ah muwadiniinta reer Somaliland oo xalad cafimaad dalkaasi u joogay .

2tur

Ardayda  munaasibadan  soo abaabulay  ayaa iyaguna  shaahado sharaf ku  maamusay marwo farduus  taasi oo ay sheegen  in ay ku mutaysatay   madaama oo ay tahay  masuuliynta kaliya ee si dhow ugu xidhan  una caawiya ardayda  turkiga wax ka baratay ,   mana aha  markii ugu hororaysay ee ay  ku sharfaan shahadadan oon  kale .

5tur

Gebo gabadii  marwo faduus cige oo ahayd masuulka kaliya ee ardayda xafladani kale soo qayb galay  waxay  ay kula dardaarantan  ardayda iyo jaaliyada reer  Somaliland ee turkiga  in ay  gacmaha is qabsadaan  kuna dedaalan sidii ay dalkooda  sharaf iyo karaamo ugu soo jiidi lahayeene ,  waxanay si gaar ah ugu baaqday  da,yarta   in dalkoodi iyo dadkoodiba ay iyaga sugayaan  loona baahan yahay  xadaarada iyo aqoonta ay ka barteen  dalkan ay ku nool yihiiiin  ay  kula noqdaan dalkoodi hooyo  ugana faaideeyaaan .

4tur5tur3tur2tur1tur