Uncategorized

Dawlada Somaliland oo beenisay Hadal uu la taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Xidhiidhka Hay’aduhu ku sheegay in dalka laga saari doono Sadex hay’adood DAAWO

Hargaysa 19.May 2015 (SDN/QJ)- Xukuumada Somaliland ayaa beenisay hadal uu doraad warbaahinta siiyay la taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ah oo Sheegay inay dawladu dalka ka saari doonto Sadex ka mid ah hay’adaha samo falka oo uu ku eedeeyay inay galeen arrimo dhanka Siyaasada ah.

Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah Waxaa kale oo uu ka hadlay Xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka oo mudooyinkii u danbeeyay la sheegayay inuu Khilaaf soo kala dhex galay kaas oo ka dhashay Mudo kordhintii aan heshiiska lagu ahayn.