Uncategorized

Muxaafidka Iyo Mucaaridka Somaliland oo Dood adag Jilbaha is daray,Iyo Weedhihii Adkaa ee la is weydaarsaday DAAWO

Hargaysa 10.June 2015 (SDN/QJ)- Dooddii ugu xiisaha iyo xamaasada badneyd ee muddooyinkii danbe loo qabtay siyaasiyiinta dalka, ayaa talefeeshanka ku hadla afka Soomaaliga ee Star  Tv ku dhex martay wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Carraale (Duur), guddoomiye ku xigeenka Sadexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Gurey) iyo xildhibaan Indho-Indho oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland, waxaana doodan oo xalay la baahiyay hagayay weriye Xamse Cali Bulbul.