Dowladdii ama khilaafadii al-umawiya waxay taariikhyahanadu isku raaceen inay tahay dowladdii ugu weynayd ee islaamka u talisa, sidoo kale reer banii umaya waa reerkii ama qoyskii ugu horreeyay ee islaamka xukuma.
Caasimaddii dowladda amawiyiintu waxay ahayd dimishiq, aduunka waxay ka talinaysay 41_132dii hijriyada, waxay kasoo askumeen Umaya binu Cabdishamsi , amawiyiintu awood jirta ayay ahaayeen xilligii jaahiliga, sidoo kale door muuqda ayay ku lahaayeen xilligii dowladdii islaamiga ahayd dhalatay, waxa aasaasay dowladdda amawiyiinta mucaawiye binu abu-sufiyaan.
Boqorkii koowaad: Mucaawiya Binu Abu Sufyaan
Mucaawiya Binu Abu Sufyaan waa ninkii aasaasay dowladda amawiyiinta, wuxuu xilka hayay mudo labaatan sanno ah (41_60) mucaawiye waxa uu dhashay soodiridii rasuulka NNKH shan sano ka hor, wuxu islaamay sanadkii furashadii makka isaga iyo aabihiis waxa uu nebiga kala qaybgalay dagaalkii xunayn waxa uu ka mid ahaa dadkii qori jiray waxyiga nebiga NNKH waxa la sheegaa in uu ka mid ahaa afarta nin ee carab ugu caqliga badan.
Mucaawiye intii aanu madaxweyne noqon maxaa ka mid ahaa waxyaabihii uu soo qabtay
Waxa uu ka qayb galay dagaalkii Yemen xilligii Abubakar Sidiiq, markii dagaalku dhamaaday waxa loodiray Shaam si uu u saacido walaalkii Yasiid oo loodiray Dimishiq si uu ula dagaalamo dowladii ruum sanadkii 18H ayuu dhintay walaalkiis Yaziid, waxaana uu Cumar binu Khadhaab u magacaabay shaam Mucaawiye bin abii Sufyaan, markii cumar dhintay sido kale Cismaana waxa uu u daayay xilkiisii sidaas ayuu 20sano amiir uga haa sham.
Markii uu xilka qabtay sanadkii 41H waxyaabihii uu qabtay intii uu boqorka ahaa waxa kamid ahaa:- Sanadkii 43H wuxuu furtay wadanka Kharaj sidoo kale wuxuu furtay isla sanadkaasi magaalada Burqa ee waddanka Suudaan. Sanadkii 50H wuuxu furtay meesha la yidhaahdo Quuhastaan wuxuuna ka sameeyay Waliyal Cahdi oo markii uu dhinto qofka badali doona waxa uu u magacaabay wiilkiisii, waxaana uu ahaa boqorkii ama madaxweynihii ugu horreeyay ee islaamka soo mara oo khilaafada islaamka ka dhiga boqortooyo.
Maxaa ka mid ahaa sifaadkiisa ama qof caynkee ah ayuu ahaa.
Mucaawiye waxa taariikhyahanadu sheegaan in uu aha nin cad oo dheer aad u dulqaad badan
Mucaawiye wuxuu khliaafada haystay mudo 20sano ah wuxu ku dhintay Dimishiq sanadkii 60H waxuuna dhintay isagoo 78 jir ah. Waxyaabihii lagu xasuusto oo uu soo kordhiyay waxa kamid ahaa in uu ahaa boqorkii ugu horreeyay ee islaamka utaliya , in ahaa boqorkii ugu horreeyay ee dowlada islaamka ka dhiga boqortooyo, in uu ahaa qofkii ugu horreeyay oo mu’adiniinta masaajidyada lacagsiiya.
…………………… La soco qaybaha danbe
W/Q: Khaalid Ismaaciil Cabdurraxmaan (Foodhaadhi)
Hargeysa, Somaliland
Waxa iga caawisay: Aasiya Jaamac Warsame
Email: Khaalidfoodhaadhi@gmail.com
