Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Ujeeddada Safarkiisa uu Ethiopia u Tegay Iyo Arrimo Kale Oo Xaasaasi ah

Hargeysa:21,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa faahfaahin ka Bixiyey ujeeddada safar isaga iyo wafti uu hoggaaminayaa goor dhaweyd ugu baxeen Dalka Ethiopia.

dalkoMadaweynaha oo si kooban safarkaas uga warbixiyey, ayaa ujeeddada socdaalkiisa kusoo koobay mid ku saabsan danaha labada dal,

“Waxa farxad weyn ii ah inaan sheego maanta  safar ugu baxayno dalka Ethiopia, waana dal weyn oo aanu madaxdiisa halkaas ku wada Hadli doono, waana waddan ay inaga dhaxayso wax wada-qabsi badan iyo jaarnimo, waana waajib in markii muddo la joogaba in la is xog ogaado oo la wada Hadlo oo danaha labada dal laga wada Hadlo, safarkayaguna waa mid aanu ka wada Hadli doono Danaha iyo Maslaxadda Labada Dal.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha  ayaa sidoo kale si kooban uga jawaabay Su’aal laga weydiiyey Go’aannada isku murugsan ee Muddo-kordhintii Guurtida iyo Heshiiskii Axsaaba iyo Xukuumadda midka uu raaci doono, waxana uu sheegay inuu raaci doono cidda sharciga ah oo kali ah, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

“Dalku sharci buu leeyahay oo nidaam buu leeyahay Hawlaha caynkaas oo kale ahna Cidbaa Qaabilsan Sharcigu waxa uu yahay uun baana la raacayaa.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com