Uncategorized

“Wax ka Jiraa Ma Jiraan in Daryeel la’aani haysto Qaxoontiga Yemen” Maamulka Gobolka Saaxil

Berbera 22.June 2015 (SDN/QJ)- Masuuliyiinta Gobolka Saaxil ee Somaliland, ayaa beeniyey in daryeel la’aani haysato dadka qaxoontiga ka soo yaacaya colaadda dalka Yemen ee ka soo degaya dekedda Berbera

Fahmi-BidarXarun ka shaqaysa xuquuqda aadamaha oo la yidhaa HRC, fadhigeeduna yahay magaalada Hargeysa, ayaa war ay soo saartay toddobaadkan ku sheegtay inay dhibaatooyin fara badani haystaan qaxoontiga reer Yemen ee ku sugan magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, kuwaas oo ku sugan nolol adag oo aan lahayn ama ku yar yihiin adeegyada aasaasiga ah sida cuntada, biyaha iyo guryaha.
Haseyeeshee, Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin eedaymahaasi, balse ay daryeel u fidiyaan dadka ka soo qaxaya dagaalka Yemen, “Runtii qaxoontigii caadi buu u socdaa, labadii xarumood sidii caadiga ahayd baa loogu dejiyaa, xarun saddexaadna waanu diyaarinaynaa. Dad baa jira qaxoontiga Somaliland ka hadlayey, waxaan leeyahay waa qof aan waxba ogayn ama si kale wax u arkay cidda leh qaxoontiga waa lagu xumeeyay Berbera iyo Hargeysa. Marka Markabka laga soo dejiyo biyo ayaa la siiyaa, baabuur baa lagaga soo qaadaa oo xerada ayaa la keenaa, taas oo loogu sii diyaariyay adeegyadii caafimaadka, cuntadoodii oo saddexda waqti ah iyo biyo,” ayuu yidhi Fahmi Cabdi Bidaar oo warbaahinta la hadlay maanta.