Uncategorized

Guri Ku Yaalla Degmada Baardheere Oo Saaka Diyaaradi Duqaysay Iyo Faahfaahimo Dheeraad ah Oo Kasoo Baxaya

Baardheere:Jun,22,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxa diyaaradi ay gantaal ku dhufatay Aqal Halkaas ku yaalla oo si gaar  ah loo badhtilmaameedsanayey.

duqoDuqeymahan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in lala beegsaday guri uu ku sugnaa Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsan, waxaana daqiiqado ka dib gurigaasi isku gadaamay dagaal-yahanada Shabaabka.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Baardheere, ayaa  warbaahinta u sheegay in duqeymuhu ka dhaceen halka loo yaqaano Kormaray. Kormaray waa wadada ka baxda Baardheere ee aadda dhinaca Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya Sarkaalka duqeymahaasi lala beegsaday, balse wararka waxay xoogoodu sheegayaan in Sarkalkaasi lagu magacaabo Yuusuf Xaaji Aadan, oo isu magacaabay (Daa’uud), halkaas lagu dilay.

Warar aan la xaqiijin, ayaa sheegaaya Daa’uud in dhawaan loo magacaabay Madaxa Amniyaadka Ururka Al Shabaab. Faah faahin badan lagama hayo haddii duqeymahaasi uu ku waxyeeloobay iyo haddii kaleba.

Madaxii hore ee Amniyaadka Ururka Al Shabaab, C/shakuur Tahliil, ayaa waxaa bishii December lagu dilay duqeymo xagga cirka ah, oo ka dhacay duleedka Degmada Saakow. Waxaana masuuliyadda dilkiisa sheegtay Mareykanka.

Bishii March, ayay ahayd markii duqeymo ka dhacay wadada xidhiidhisa Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor lagu dilay Aadan Garaar, oo lagu eedeeyay inuu soo abaabulay weerarkii lagu wiiqay rugtii ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com