Uncategorized

Madaxweyne Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Kulan yeeshay iyo arrimaha laga wada hadlay DAAWO

Addis Ababa 22.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxaud Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayay oo ku sugan dalka Itoobiya oo ay ku joogaan Martiqaad rasmi ah ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Haylemariyam Disaaalim .
Kulanka labada dhinac ayaa lagaga wada hadlay Xoojinta Xidhiidhka Iskaashi ee labada dal iyo sii Xoojinta Wax kasta oo saamayn ku leh horumarka labda dal ee Somaliland Iyo Itoobiya.
Xubnaha madaxweynaha ku wehelinaaya safarka

1. Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde
2. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md M Biixi Yoonis
3. Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan
4. Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade
5. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md Cali Axmed Cali
6. Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal