London:June,23,2015(SDN/QJ)-Madaxii Sirdoonka Dalka Rwanda Karenzi Karake, ayaa lagu xidhay Dalka Ingiriiska, iyadoo ay jireen in Waddanka Spain uu Sarkaalkan ugu soo eedeeyey Dambiyo dagaal.
Waxaa la fahansanyahay in booliiska wax masaafuriya ay generaal Karake ka qabteen garoonka diyaaradaha ee Heathrow sabtidii, isla-markaana ay xabsiga dhigeen.
Saldhiga booliiska looga arrimiyo ayaa sheegay in 54 jirkaas Rwandiiska ah maxkamad la geeyay xabsigana lagu sii hayn doono ilaa iyo shan iyo labaatanka bishan lixaad.
Karake, waxa uu ka mid yahay afartan sarkaal oo 2008-dii ay maxkamad ku taala Spain ku eedaysay tacadiyo, dambiyadaasi waxaa ka mid ah in xasuuqii kadib uu amray dil wadareed isaga oo markaas ahaa ku simaha madaxa sirdoonka ee millitariga.
Gen Karake waa madaxa laanta sirdoonka qaranka ee Rwanda, xidhitaankiisa waxaa loo cuskaday waraaq ay Yurub ku dalbatay in ninkaasi la qabto.
SDN/QJ
