Mombasa:June,23,2015(SDN/QJ)-ugu yaraan Saddex kamid ah Ciidamada Militeriga dalka Kenya, ayaa dhaawacyo kala duwan gaadheen, kadib markii Al-shabaab ay qarax kula eegteen Gobolka W/Bari ee Dalka Kenya.
Ciidamada booliska ayaa sheegay in qaraxaasi ay abaabuleen Ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday ciidamada booliska dalka Kenya.
Qaraxa ayaa xalay ka dhacay isla gobolka Alshabaab maalmo ka hor ku dileen askar ciidamada militariga ka tirsanaa ee Lamu oo ku yaala dhanka xeebta dalka Kenya, iyadoo ay jiraan askar kale oo qaraxa ku geeriyootay.
Joseph Boinnet, oo kamid ah saraakiisha ciidamada booliska ayaa sheegay in saddex askar ee booliska ka tirsan ay dhaawacmeen markii ciidamada uu haleelay qarax gaadhi ay la socdeen, sida uu sheegay.
Qaraxa ayuu sheegay iney abaabulkiisa lahaayeen ciidamada Alshabaab, sida uu ku sheegay qoraal uu dhigay barta uu Twitter-ka ku leeyaha Yuusuf Boinnet.
Wuxuu sheegay in kooxdii weerartay xerada military ee Baure ay wali ku sugan yihiin deegaanadaasi oo weerar kale ay ka geysteen meel deegaanka aan ka fogeyn, sidaasi ayuu barta Twitter-ka kusoo qoray sarkaalka u hadlay ciidamada booliska Kenya.
SDN/QJ
