Hargeysa:June,23,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu soo dhamastay safar laba cisho ah oo uu dalka Ethiopia ugu maqnaa.
Madaxweyne Siilaanyo oo markii garoonka kasoo dagay u muuqday mid aad u daallan, ayaa warbaahinta u sheegay war kooban oo salka ku hayey inuu safarkiisa ujeeddadiisii kusoo guulaystay, waxana afhayeenka Madaxtooayadu saxaafadda u diiday inay madaxweynaha wax su’aalo ah weydiiyaan, iyadoo aan halkaas wax cudur daar ah laga bixinin.
Saxaafadda Madaxa bannaan oo iyagu halkaas si weyn diyaar ugu ahaa inay madaxweynaha wax kaga weydiiyaan xaaladda dalka oo mugdi sii gelaysa, ayaa iyagu si weyn uga biyo diiday tallaabada uu afhayeenka madaxtooyadu arrintaas ku diiday, waxana ay shir jaraa’id ku qabteen Gudaha Madaarka, iyagoo si weyn u dhaleeceeyey isku daygaas saxaafadda lagaga hor istaagay waxa ay xaqa u leeyihiin.
Madaxweynaha, ayaa haba yaraatee dheg jalaq u siinin foolxumada uu afhayeenkiisu ku diiday in su’aalo la weydiiyo, waxana si degdeg ah loogu qaaday Baabuur iyadoo dhinaca Madaxtooyada loo gelbiyey.
Madaxweyne Silaanyo ayaa laba maalmood ka hor dalka Ethiopia ugu baxay safar kedis ah, walina si faahfaahsan uga uu sifayn ujeeddada safarkiisa iyo waxa uu ku qotomay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
