Hargeysa:Jully,27,2015(SDN/QJ)-Waxa shalay galabnimadii si rasmi ah usoo gebogeboobay shirweynihii labada xisbi ee Ucid iyo Waddani uga socday Hutel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay hore u sheegeen inay xaaladda waddanka ku dersayaan.
Inkasta oo aan si hufan loo faahfaahin qodobbada Shirka ka soo baxay, haddana Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo sidoo kale ahaa Guddoomiyaha Guddiga Shirkan Xisbiyadu yeesheen hoggaaminaysay, ayaa Saxaafadda lahadlay gelinkii dambe ee Axaddii shalay, markii uu shirkaasi soo gebo-gabooba, waxaanu sheegay in qodobbada shirka ka soo baxay intaan la baahin ka hor Guddi soo naaqishta loo saaray.
Musharrax Cabdirashiid Xasan Mataan oo arrimahaas sharraxaad ka bixinaya, ayaa sheegay in war-murtiyeedka shirkaas iyo natiijadiisaba ay u xilsaareen Guddi gaar ah oo dhawaan shaacin doono wixii laga doodayey,
“Shirka wax aka qaybgalay ergooyin ka kala socday xisbiyada qaranka ee mucaaridka ah, madasha wada-tashiga iyo waliba waxgarad kale oo miisaan leh.Shirkaas waxa laga soo saaray Go’aamo muhiim ah, waxana go’aamadaas loo saaray Guddi isku dubba ridda, iyadoo halkaas ay iskugu iman doonaan in badan oo bulshada ahi” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Natiijada shirkaas mucaaridka, ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muddo-xileedkii xukuumadda oo maanta ku eg, iyadoo mudd-kordhinta loo sameeyeyna ay mucaaridku si weyn uga soo horjeedaan.
SDN/QJ
